Suuq casri ah oo laga furay Gubadley

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa 10-ka Diseembar 2023 xarigga ka jaray suuq casri ah oo Gubadley laga dhisay.

Suuq casri ah oo laga furay Gubadley

Ciise Maxamuud Guure, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Maamulka iyo Maaliyadda, ayaa 10-ka Diseembar 2023 si rasmi ah u furay suuq casri ah oo laga hirgeliyay deegaanka Gubadley, isagoo ay wehlinayeen guddoomiyihii degmada Cabdullaahi Kaalibey iyo saraakiil ka tirsan maamulka gobolka.

Suuqa waxaa maalgeliyay Maamulka Gobolka Banaadir iyadoo taageero ka heshay hay’adda JBLG. Guddoomiye Kaalibey wuxuu sheegay in mashaariic kale oo horumarineed ay dhawaan Gubadley ka hirgeli doonaan.