Suuqa Casriga ah ee Gubadley
Gubadley — suuq casri ah oo la furay 10-ka Diseembar 2023
Suuqa casriga ah ee Gubadley waxaa 10-ka Diseembar 2023 xarigga ka jaray Ciise Maxamuud Guure, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Maamulka iyo Maaliyadda, iyadoo goob-joog ahaa guddoomiyihii degmada Cabdullaahi Kaalibey. Mashruuca waxaa maalgeliyay Maamulka Gobolka Banaadir iyadoo taageero ka heshay hay’adda JBLG.
Suuqu wuxuu u adeegaa ganacsatada iyo dadweynaha degmada, waxaana lagu tilmaamay mid ka mid ah mashaariicdii horumarineed ee ugu horreeyay ee Gubadley ka hor aqoonsigeeda degmonimo.