Dib-u-dejinta Xaaji-Cabdi

Xaaji-Cabdi — 1,058 goob dejin oo loogu talagalay qoysaska barakacay

Calaamadda dhagax-dhigga masaajidka iyo xarunta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Waaxda Xaaji-Cabdi, 12 Sebtembar 2026
Sawirka: Deg Gubadleey (Facebook), 12 Sebtembar 2026

Mashruuca Dib-u-dejinta Xaaji-Cabdi waa mashruuca ugu weyn ee Degmada Gubadley. Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu 1,058 goob dejin lacag la’aan u wareejiyay qoysaska ay saameeyeen hawlaha waddo-furista ee Obasiibooyinka iyo dib-u-habeynta caasimadda.

Waxa mashruuca ka mid ah

  • 1,058 goob dejin oo qoysaska loo wareejiyay
  • Dugsi hoose iyo dhexe oo lacag la’aan ah (la dhammaystiray)
  • Suuq
  • Masaajid
  • Xarun waaxeed (xafiis maamul)
  • Rug caafimaad hooyo iyo ilmo (MCH)
  • Adeegyada biyaha iyo korontada

Dhagax-dhigga suuqa, masaajidka, xarunta waaxeed iyo rugta caafimaadka waxaa 12-ka Sebtembar 2026 sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Degmada Yuusuf Muuse Guure. Fuliyaha: Maamulka Gobolka Banaadir. Hawlaha dhismaha ayaa socda.