> ## Content Index
> Fetch the complete content index at: https://gubadley.com/llms.txt
> Use this file to discover other available public pages before exploring further.

# Suuqa Casriga ah ee Gubadley
- URL: https://gubadley.com/suuqa-casriga-ah-ee-gubadley/
- Published: 2023-12-10T07:00:00.000Z
- Updated: 2023-12-10T07:00:00.000Z
- Description: Gubadley — suuq casri ah oo la furay 10-ka Diseembar 2023
- Author: Maamulka Degmada Gubadley
- Tags: #mashruuc, #dhammaaday, Horumar

Suuqa casriga ah ee Gubadley waxaa 10-ka Diseembar 2023 xarigga ka jaray Ciise Maxamuud Guure, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Maamulka iyo Maaliyadda, iyadoo goob-joog ahaa guddoomiyihii degmada Cabdullaahi Kaalibey. Mashruuca waxaa maalgeliyay Maamulka Gobolka Banaadir iyadoo taageero ka heshay hay’adda JBLG.

Suuqu wuxuu u adeegaa ganacsatada iyo dadweynaha degmada, waxaana lagu tilmaamay mid ka mid ah mashaariicdii horumarineed ee ugu horreeyay ee Gubadley ka hor aqoonsigeeda degmonimo.