> ## Content Index
> Fetch the complete content index at: https://gubadley.com/llms.txt
> Use this file to discover other available public pages before exploring further.

# Gubadley oo gaartay finalka tartanka cilmiyeedka “SAWIRRO” ee Warbaahinta Qaranka
- URL: https://gubadley.com/gubadley-finalka-tartanka-sawirro-2026/
- Published: 2026-03-15T19:00:00.000Z
- Updated: 2026-09-20T16:38:25.000Z
- Description: Kooxda Gubadley ayaa 8–6 kaga guuleysatay Kaaraan, waxayna u gudubtay finalka tartanka Ramadaanta ee SNTV.
- Author: Maamulka Degmada Gubadley
- Tags: Warar, Dhacdooyin

Kooxda Degmada Gubadley ayaa habeenkii 15-ka Maarso 2026 kaga guuleysatay Degmada Kaaraan 8 dhibcood iyo 6, waxayna u gudubtay wareegga kama dambaysta ah ee tartanka cilmiyeedka “SAWIRRO” ee Warbaahinta Qaranka (SNTV), kaasoo la qabtay bisha Ramadaan 2026 oo ay taageereen IBS Bank iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Wareegyadii hore Gubadley waxay 16 dhibcood iyo 12 kaga guuleysatay Degmada Galbahaarey ee Gobolka Gedo. Finalka waxaa isku hor fadhiistay Gubadley iyo Degmada Hodan, oo ku guuleysatay koobka. Maamulka degmada ayaa hambalyo u diray ardayda iyo macallimiinta kooxda.